Hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goor dhow lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli haatan la sugayo inuu kasoo dago Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo maanta wada-hadallo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay guryahooda ugu tageen hoobiyeyaasha, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaallada.

Dhanka kale, waxaa garoonka laga shiday gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aaddan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyada oo si weyn loo adkeeyay amniga. Dowladda Soomaaliya ayaa heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimadda.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka. Xitaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugaynaya.

Si kastaba ha ahaatee, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimadda, waxaana lagu bartilmaameedsaday Madaxtooyada iyo xerada Xalane.