Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay imaatinka Abiy

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay imaatinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo maanta lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda federaalka.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga falceliyay labiska uu soo xirtay Abiy Axmed, kaasoo ahaa futo-shaari isku joog ah oo midabkiisu cad yahay, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, inkastoo kooxda hab-maamuuska Madaxweyne Xasan Sheekh ay iyaguna qaadeen tallaabo kale oo cajiib ah.

Madaxweynaha ayaa isna soo xirtay futo-shaari isku joog ah, isaga oo sidaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uguna tegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dadka ka falceliyay arrintan waxaa kamid ah siyaasiyiin iyo dad kale oo wax ku qora baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka bixiyay labiska Abiy ee doodda dhaliyay.

Cabdinuur Maxamed, Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa yiri: “Kooxda Hab-maamuuska Madaxweynaha si fiican ayay saaka u shaqeeyeen. Ninkii futo-shaari kuu soo qaato, adigana mid u soo tolo.”

Mahad Xasan Saney: “Tolmo ahaan iyo midab ahaanba kan madaxweynahaynaa shidan.”

Cabdifitaax Xaaji Dirir: “Adigoo masaajidka jooga sow taad na dhahday Itoobiya waa cadow, Madaxweyne?”

Cabdiqaasim Maxamed Sheekh Aadan: “Protocol-ka Madaxweyne HSM maanta waa fadhiyaa.”

Mahdi Diiriye: “Itoobiya waa cadow, waxa noo xigtay Afrika waa ilmo adeer.”

Aweys Sheekh Cabdiraxmaan: “Sidee lagu ogaaday inuu futo-shaari soo qaatay?”

Maxamed Abuukar Guutaale: “Wax walba waan naqaan ayaa laga wadaa, waa body language.”

Xasan Kaalmoy: “Odeygan futo-shaari-ga noo soo qaatay sidii inuu u socdo Oromia Region, ma la waayay Madaxweyne Soomaaliyeed oo Itoobiya dhar Sports Somalia u qaata?”