Al-Shabaab oo la wareegay caawa deegaano hoos taga Jowhar iyo Raaga-Ceelle

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos taga degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Tuulooyinka ay qabsadaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Warciise oo Jowhar u jirta 15 ilaa 20 KM iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Geyfo, Jabada-Carbeed, iyo Daba-gaab oo hoos taga degmada Raaga-Ceelle.

Al-Shabaab waxay caawa 10-KM u jiraan degmada Raaga-Ceelle, halka Jowhar-na ay ka qabsadeen tuulo hoos tagta oo lagu magacaabo Warciise, taas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaalad cabsi ah ayaa caawa ka taagan qeybo badan oo gobolka Shabeellada Dhexe ah, lamana oga sida uu xaalku noqon doono.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale maalin ka hor ula wareegay deegaanka Mashallaay oo hoos taga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugnaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Mashallaay oo dhacda inta u dhaxeysa magaalooyinka Qoryooley iyo Buulo-Mareer ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana muhiin u ah isu-socodka labadaas magaalo.

Iska daa inay weerar tagaane, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey soo baneynayey fariisimo muhiim ah, iyadoo markii ay ka baxaan ay dib ula wareegayeen Al-Shabaab.