Al-Shabaab oo la wareegtay isbitaalkii CEELBUUR

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaanba la wareegtay Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaas la geeyay dhaawacyo badan oo laga keenay deegaanka Baxda oo dhawaan dagaal ka dhacay lagu jabiyay kooxda.

Sida laga soo xiganayo dadka deegaanka waxay Al-Shabaab ka saareen Isbitaalka dhamaan dadkii bukaanka ahaa ee shacabka ahaa oo lagu dabiibayay isbitaalkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ceelbuur la geeyay dhaawacyo iyo meydadka tobanaan Al-Shabaab ka tirsan, ayada oo uu sii kordhay dagaalkii Baxdo ee dhexmaray kooxda iyo dadka deegaanka.

Isbitaalka degmada Ceelbuur ayaa waxa dib u howl-galiyay dadka deegaanka oo dhaqaale iska ururiyey, lamana oga in ay Al-Shabaab si gaar ah u adeegsan doonto iyo inay dib ugu celin doonto dadka deegaanka.

Dagaalkii Jimcihii ee deegaanka Baxdo ayaa si weyn loogu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga dilay 70 dagaalame, kuwaasi oo ay ku jireen ajaanib.