Filish oo soo saaray amar ku socda dadka Muqdisho 

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha laamaha amaanka ee qeybta guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa fariinta Duqa Magaalada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowladda Hoose.

Sidoo kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa soo jeediyay “in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.”

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay guddi heer gobol  oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Xubnahaaan uu magacaabay Duqa Muqdisho ayaa ka shaqeyn doona Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli doona guddiga heer qaran ee xuska todobaadka Xorriyadda Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Hoose ee Xamar.