Al-Shabaab oo lagu jebiyay WEERAR ay ku qaadeen saldhigga ciidamda DF ee…

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaallo deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan gobolka Baay.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaabkii weerarka qaaday, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo xilliga la weerarayay ku sugnaa deegaanka ayaa sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ku daray in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarka, isla-markaana ay sameeyeen ka hortag ka dhan xubnaha soo weeraray.

“Runti geesiyaasha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay sameeyeen arrin aad noo dhiira-gelisay Khawaarijtii soo weerartayna waa iska difaaceen meydadkoodi iyo dhaawacyadoodana waa ka carareen” ayuu yiri Wasiir Xasan Cabduqaadir.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in illaa 20 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaalk laga dilay kooxda, isla-markaana laga gubay gaadiid dagaal.

“Horjoogayaal ayaa ku jiray runtii dadka halkaa soo weeraray oo ku naf waayey, waana sida ay u bilaabatay oo howlgalka waa sii soconaa,” ayuu markale yiri Wasiirku.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dhanka ciidamada dowladda ay ka dhinteen illaa 5 askari oo kamid ah xoogga dalka, kuwaas oo ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM u jira Baydhabo ayaa dhowr jeer oo hore weerarayAl-Shabaab, ayada oo marar badana gacan ku heynteeda ay isku beddaleen labada dhinac.