Xog: Kun ka mid ah askarta lagu soo tababaray dalka ERITREA oo la geynayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ciidamada lagu soo tababaray ee Eritrea ee haatan ku jira xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa qorshuhu yahay in laga bixiyo xeradaas, si loo howlgeliyo, uguna biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay illaa kun askari oo kamid ah ciidamadan ayaa la geyn doonaa deegaanada Jubbaland, si ay kaalin uga qaataan howlgalka ka dhanka ah AlShabaab.

Ciidamadan ayaa si gaar ah weeraro ugu qaadi doono degmooyinka Jilib iyo Afmadow, ayaga oo ka barbar dagaalami doono ciidamo ay Jubbaland ku diyaarisay Kismaayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa go’aankan si wadajir ah u qaatay madaxweynaha dowladda federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre iyo madaxwyanaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku heshiiyay in qaar kamid ah ciidamada milatariga ee laga keenay waddanka Eritrea la geeyo gobollada Jubbooyinka.

Qorshahan ayaa toos u bilaabanayo marka lasoo wada celiyo askarta weli ku maqan Eritrea, kuwaas oo la filayo in la keenyo dhammaadka beshan aynu ku jirno ee January, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo amni oo aad loogu kalsoon yahay.

Ujeedka ugu weyn ee ciidamada loo geynayo Jubbaland ayaa ah inay xoreeyaan gobollada maamulkaas oo ay saldhigyo waa weyn ay ku leedahay kooxda Al-Shabaab, maadaama gobolka Jubbada Dhexe oo dhan iyo degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose ay maamulaan.

Sidoo kale arrintan ayaa qayb ka ah dagaalka dowladda ee ku aadan soo afjarida Al-Shabaab oo haatan laga wada saaray inta badan HirShabelle iyo Galmudug.

Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu sidoo kale gaaray gobollo horleh ayada oo la filayo in wejiga labaad ee ka billowdo Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyay madaxweynaha.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana ka qayb-qaadanaya shacabka maadaama ay kacdoonka socda ay safka hore uga jiraan ciidanka deegaanka.