‘Dhaqtarkii’ la shaqeynayey AL-SHABAAB oo dil toogasho lagu xukumay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin ku shaqeysan jiray dhqatartnimo iyo sarkaal sare oo ciidan oo lagu helay inuu Alshabaab ka mid ahaa, kana shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana wuxuu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay dhaqtar neerfaha ah, islamarkaana wuxuu mararka qaar xiran jiray darajada sarkaal oo ah gaashaanle, isagoo sidoo kalena heystay aqoonsiga wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa illaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Maxamed Cabdinuur Jiirow ayaa muuqaal ay baahisay Maxkamadda ciidamada ku qirtay inuu Alshabaab ka mid ahaa, isagoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Muuqaal laga duubay ayuu ku sheegayaa inuu wajiyadaas kala duwan u isticmaali jiray inuu ku qariyo kamid ahaanshihiisa Al-Shabaab iyo falalka uu geysto.

Maxkamadda ayuu ka qirtay inuu ku lug lahaa weeraro ay dad badani ku dhinteen.

Dr. Fanax ayaa Waxaa lagasoo qabtay magaalada Baladweyne sanadkii hore kadib doorashadii madaxweynaha, ka gadaal markii uu iska dhigay gaashaanle Militari ah.