Maamulka HirShabelle oo digniin adag kasoo saaray la-macaamilka Al-Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka HirShabelle ayaa digniin culus kasoo saartay u hogaansanaanta awaamiirta Al-Shabaab, ayada oo sheegtay in cidkasta oo u hogaansanta in ay ku xukun yihiin Shabaab, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab iyo cid kasta oo gacan saar la’leh.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda HirShabelle oo ka duuleysa go’aamadii laga gaaray la-dagaalanka kooxda Khawaarijta argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa ay cadeyneysaa in cidkasta oo la shaqeysa, utagta ama u hogaansanta awaamiirta Khawaarijta ay ku xukun yihiin kooxda argagixisada ah ee had iyo goor dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Wasaaraddu waxay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada dowladda HirShabelle uga digeysaa la-macaamilka iyo u hogaansanka amarka kooxaha khawaarijta ah ee gabalkoodu dhacay.”

Wasaaradda ayaa fartay dhamaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka inay gacanta ku dhigaan cid kasta oo kooxda macaamil la-sameeysa meelkasta oo ay joogaan si sharciga loo horkeeno.

“Dowladda HirShabelle iyo shacabkeeda oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhulkooda ka cirib-tiraan kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.”

Go’aanka kasoo baxay maamulka HirShabelle ayaa kusoo aadaya kadib markii ay odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan sheegeen inay heshiis la qaateen kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan uu dagaal culus kaga socdo qeybo badan oo dalka.