Al-Shabaab oo lagu qaaday weerar cir iyo dhul ah, inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa howlgallo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, kuwaas oo lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Deegaanada uu militeriga Soomaaliya ka fuliyey howlgalkaas waxaa ka mid ah Ballow oo dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, waxaana halkaas lagu dilay xubno ka titrsanaa Al-Shabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale deegaanada la xusay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegeen waxaa ka mid ah Jambaluul oo lagu dilay xubnihii lagu weeraray ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo warbixinta howlgalladaas la wadaagay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah.

Waxa uu sheegay in 25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ay ku dileen howlgalkaas, ugu yaraan 15-kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kale dad looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab ayuu sheegay in lagu soo qabtay howlgalka.

Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage waxa uu sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jiro u qaabilsanihii Al-Shabaab ee degaanada u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.