Puntland oo amar culus ku rogtay shacabka Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, siiba dadka socdaalaya ama safaraya ee ku sugan halkaasi.

Booliska Garoowe ayaa shaaciyey in qof kasta oo soo galaya ama ka baxaya Garoowe looga baahan yahay damiin, ka hor inta uusan safrin, ama soo gelin gudaha magaalada.

Sidoo kale taliska Booliska aya aintaasi kusii daray in qofka la doonayo inuu caddeeyo u jeedada uu uga baxayo Garoowe amaba uu u soo galayo magaalada.

“Qof walba oo soo galayo amaba ka baxaya magaalada waxaa laga doonayaa inuu keeno damiin isla markaana cadeeyo ujeedada uu uga baxayo amaba u soo galayo magaalada.” ayuu yiri Axmed Maxamuud Cali oo ka mid saraakiisha ciidamada Booliska Puntland.

Arrintan ayey Puntland kaga gol-leedahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa suurta-galnimada weeraro ka dhaca halkaasi.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii weerar culus dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan.