Xog: Nabaddoon caan ah oo 10 maalmood u xiran dhul uu siiyey Maxamed Dheere

Jowhar (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdow Roose oo kamid ah dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degmada Jowhar, ayaa muddo laba todobaad ah u xiran booliska HirShabeelle. 

Nabadoonkaan ayaa u xiran amar la dul-saaray oo ah, in uu ka baxo dhul uu siiyay maamulkii Allah ha u naxariisteen Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in nabadoonka uu xiran yahay madaxda sare ee HirShabeelle kadib marki uu diiday in ay uu wareejiyo hantidiisa. 

Cabdow Roose, ayaa nabadoon u ah beelaha Carab Soomaali ee dagan Jowhar waxaana la sheegayaa in uu ku xanuunsanayo gudaha xabsiga. 

Ehellada iyo qaraabada Cabdow Roose ayaa codsaday in lasii daayo nabaddoonka ama la soo taago maxkamad, si loogu helo eedaha loo heesto ama lagu waayo. 

Jowhar waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo lagu qabo ciidanka amniga si gaar ah waxaa laga cabanayaa ku tagri fal awoodeed oo ay geysanayaan ciidanka amniga.