Wararkii ugu dambeeyeey shirka XALANE iyo 3 shuruud oo hor-taalla FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda madaxa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, kaas oo qabsoomidiisa ay dadaal badan ku bixinayaan wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Safiirka Mareykanka iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay shirkan waxaa loo asteeyey inuu ka dhaco Teendhadii afar sano ka hor lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana taas loo yeelayaa fulinta shuruudii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dal baday in shirka lagu qabto goob ay ammaankeeda isku aamini karaan.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa la sheegay inay Muqdisho imaanayaan inta lagu guda jiro todobaadkaan, waxayna wataan shuruudo cusub oo ay la imaa doonaan shirkaas.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysaa in shirkaas lagu soo koobo xaflad ay madaxdu ku kala saxiixanayaan qodobadii xalka looga gaaray khilaafka doorashada ee shirkii guddiyadii farsamada ee kala metelayey dhinacyada, kaas oo bishii hore ka dhacay magaalada Baydhaba ee K/Galbeed.

Hase yeeshee xogta aan helnay waxay sheegeysaa in heshiiskii Baydhaba kadib, ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yimaadeen seddax shuruudood oo cusub, kuwaas oo ay qorsheynayaan inay la yimaadaan shirka Muqdisho, waxayna kala yihiin.

1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo Warqadda xil-gaarsiinta.

2 –In wixii sharciyad oo la ansixiyay 27-kii bishii December kadib, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka in laga laabto.

3 –In amniga  doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa hadda safar ugu maqan dalka Turkiga, waxaana la sheegay in ugu dambeyn ay dalka dib ugu soo laabanayaan Arbacada soo socota, si ay uga qeyb galaan shirka.