Ismaaciil Cumar Geelle oo jawaab ka bixiyey arrintii ay ku eedeysay DF Soomaaliya

DJabouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti, kadib markii guddi ka socday ay warbixin ka diyaariyeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la baarayo faro-gelin iyo abaabulka jabhado hubeysan oo ay ka cabatay Soomaaliya.

Gaba-gabadii sanadkii 2020 waxaa cirka isku shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dowladda Soomaaliya cayrisay wakiilladii Kenya ka joogay Muqdisho, iyadoo ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gudaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December ee sanadkaas isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana kulan ay yeesheen ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda urur goboleedka IGAD Jabuuti ayey xilligaas u xil saareen inay dadaal ku bixiso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogta ee Soomaaliya iyo Kenya, maalmo kadib waxay Jabuuti xuduuda labada dal u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah, kaas oo soo baaray waxa ka jira eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya.

Warbaahinta gobolka ayaa baahisay nuqullo ka mid ah warbixintii uu diyaariyey guddigaas, waxaana weji kale yeelatay xiisadii jirtay, dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay natiijada warbixintii guddiga ay dirtay Jabuuti, warbixinta waxaa ku xusneed inay waxba kama jiraan yihiin inta badan eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhiggeeda Kenya.

Dowladda Soomaaliya oo xilligaas si caro leh uga hadashay warbixinta waxay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo guddigii ay soo dirtay ay qaateen doodii Kenya oo ay iska indha tiraya cadeymihii ay eedeynteeda u heysatay dowladda Soomaaliya.

Maanta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagoo markii ugu horeysay ka jawaabaya eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti iyo xiriirka xumaaday ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxuu la hadlay BBC Somali.

Ugu horeyntii Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, isagoo xusay in labada waddan ay daris yihiin, isla markaana aysan sina u kala maarmin.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’ waan iska diidi karnay oo waan oran karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri, “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrinba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeedka IGAD ayaa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa, cidda u buunbuunisay ee u qeylo dhaamisay annagu ma garaneyno.”

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii ka dhalatay warbinta guddigii xaqiiqo raadinta ee ka socday Jabuuti.

“Waan iska diiday inaan jawaab ama wax ka iraahdo arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu imaaneysa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban faro-galinta ay ka cabatay dowladda Soomaaliya iyo arrimaha Jubbaland oo kaliya, balse labada dal waxay isku heystaan xuduud badeed oo dheer.

15-ka bishan waxaa waxaa xarunta dhexe ee Maxkamadda ICJ ka bilaabaneysa dhageysiga dacwadda Baddaas oo indhaha Soomaalida, Kenyaanka iyo warbaahinta caalamku ay aad ugu mashquuli doonaan, waxaana dhageysiga kiiskaas ay maxkamaddu mudeysay inuu soo idlaanyo 19-ka bishan, wixii intaas ka dambeeyana waxaa maxkamadda laga sugi doonaa xukun aan racfaan laheyn.

Kenya waxay dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska, balse garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa labaduba ka diiday dalabkaas, waxaana maanta Muqdisho ka baxay guddiga Soomaaliya u qaabilsan kiiska badda, kaas oo u diyaar garoobaya inay dacwada uga qeyb galaan xarunta maxkamadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoggaaminaya guddigan, Isagoo garoonka Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan guusha Soomaaliya ee kiiska badda.