Farmaajo oo hal arrin kaga duwan XASAN iyo SHARIIF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Villa Soomaaliya hal bil iyadoo aysan jirin wax heshiis doorasho ah, taasoo ka dhigan arrin ugub ku ah dalka.

Shalay oo aheyd 8-da Maarso waxaa dhamaatay bil kaamil ah maadaama muddo xileedkiisa uu soo dhamaaday 8-dii February, walina ma jiro heshiis loo wada dhan yahay oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday dowladda kumeel gaarka ah sanadkii 2012, ma dhicin in madaxweyne uu iska fadhiyo xafiiskiisa iyadoo muddo xileedkiisii uu dhamaaday hadana aan heshiis lagu aheyn hanaanka doorashada.

Xasan Sheikh Maxamuud oo ah madaxweynahii 8-aad kana horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu arrimaha doorashooyinka heshiis ka gaaray iyadoo muddo xileedkiisa uusan dhamaanin.

Iyadoo ay taasi jirto hadana su’aasha is weydiinta leh waxey tahay rajo malaga qabaa in la gaaro heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay?

Khilaafyo badan ayaa ku hareereysan heshiiska doorashada, waxa ugu weyn waxey tahay in la dhaqan galiyo heshiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo sidoo kale meel marinta is fahamkii ay gaareen guddigii ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Mucaaradka waxey doonayaan in heshiiska laga qeyb galiyo, walina la iskuma raacin, waxaa jira tabashooyin badan oo ay ka mid tahay arrinta gobolka Gedo, xildhibaanada gobolada waqooyi iyo sharci la’aanta Farmaajo oo wali la hadal hayo.

Arrimaha kale ee ku hoos jira waxyaabaha ku xeyndaaban doorashada waxaa ka mid ah shakiga laga qabo ciidamada dowladda oo la aaminsan yahay iney siyaasadda dhexda kasoo galeen, taasna ay walaac badan ku abuurtay mucaaradka dowladda.

Si kastaba Farmaajo wuxuu aqalka dalka looga taliyo ku jiraa hal bil oo aan sharci aheyn walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka, sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta uma muuqdo mid qaadan kara kaalintiisa hirgalineed waxyaabaha horyaalla ee ah inuu dalka ka saaro marxaladda kala guurka.

Inkasta oo madaxdii ka horreysay sida Xasan Sheekh iyo Shariif ay madaxtooyada joogeen billo kadib markii waqtigoodu dhammaaday, haddana waxaa jira inuu jiro heshiis doorasho, dib u dhacana uu ku yimid hab fasarmo, hase yeeshee Famaajo wuxuu kaga duwan yahay inuu xukunka sii hayo ayada oo aanu jirin heshiis doorasho, una muuqato inuusan diyaar u aheyn.