Ciidamada dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay MUQDISHO + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Bnaaadir, kaas oo lagu baadi-goobayey rag burcad ah oo dhac geysanayey.

Ciidamada ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib markii lagu soo war-geliyey inay jiraan rab burcad ah oo dhac ka geystay xaafadda Horseed ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka daba-tageen raggaasi oo afar gaarayey, islamarkaana ku hubeysnaa Bistoolado, waxaana kaddib dhex-martay is-rasaasey khasaare geysatay, iyada oo la dhawaacay labo ka mid ah burcadda, kadibna la qabtay.

Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday labadii kale ee la socotay ragga la qabtay, xilli taleefanada gacanta iyo agabyo kale ay ka qaadanayeen dadka deegaanka.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada ka bixiyey dhacdadaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha Muqdisho kusoo badanayey falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah.