Axmed Madoobe oo ciidan iska soo hormariyey, kuna soo jeeda Xamar + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo aad u habeysan ayaa wata illaa saddex Cabdi Bile oo loo sii diyaariyey, waana ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro Axmed Madoobe, iyada oo soo dhoweyntiisa laga dareemayo garoonka Aadan Cadde.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa haatan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, kuwaas diyaar u ah soo dhoweynta waftiga madaxweynaha maamulka Jubbaland

Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhacayo Teendhada Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay madaxweyne Farmaajo.

Shirkan wada-tashiga ah oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka, iyadoo sidoo kale magaalada Muqdisho uu imaanayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.