Al-Shabaab oo maanta dib u la wareegtay deegaan ay ka soo baxeen AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Mashallaay oo ay dib uga soo baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay si nabdoon kula wareegtay deegaankaasi oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooley.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, iyaga oo sidoo kale ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada AMISOM oo dib ugu soo laabtay Qryooley ay uga soo baxeen deegaankaasi, iyaga oo ka soo guuray  dhammaan saldhigyadoodii.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dib u gurashadaasi.

Inta badan dagalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka ee gobolkaasi, iyaga oo sidoo kale dib u qabsada deegaanada laga soo baxo.