Heritage oo warbixin kasoo saartay sida loo xallin karo xiisadaha Gedo iyo Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa looga hadlay xiisadaha ka taagan gobollada Gedo & Hiiraan.

Heritage ayaa marka hore ku baaqay in xal waara laga gaaro xiisadaha ka jira labadaasi gobol, ka hor doorashooyinka dalka.

Sidoo kale machadka ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in dib u heshiisiin laga bilaabo gobollada Gedo & Hiiraan oo ka kala tirsan Jubbaland iyo HirShabelle.

Qoraalka ka soo baxay Heritage ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in machadka uu ka talinayo in dib loo dhigo doorashooyinka labada gobol, inta laga xalinayo xiisadahaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa in dowladda federaalka la shaqeyso labada gobol si loo bilaabo geedi socod dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu xalinayo xiisada labadan gobol oo marka la eego caqabadaha ka jira ay xiriir la yeelan karaan guud doorashooyinka dalka, si nidaamsanna wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee  labada gobol oo muddo dheerba soo jiitamayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay machadka Heritage.

Bayaankan ayaa ku soo aadaya, iyada dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, si weyna la’isugu hayo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, waxaana xiisada ugu xoogan ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo isku hayaan dowladda dhexe & maamulka Jubbaland.