Weerar khasaare geystay oo markale ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Dalxiiska ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 5 qof oo shacab ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku caweynayey goobta la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka maamulkaasi ay ka bixiyeen weerarkan iyo howl-gallada xigay.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Kismaayo ku soo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, gaar ahaan weerarada loo adeegsado bambada ee ka dhaca magaaladaasi.