Jeneral Odowaa oo xika ka qaaday taliye sare + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Cali Caddow (Sanka).

Digreeto ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilkaasi loogu magacaabay Korneyl Cabdirashiid Saciid Cabdi (Gooje), oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha ciidanka.

Ka hor intii aan xilka laga qaadin General Maxamed Cali Caddow ayaa looga yeeray Magaalada Muqdisho, oo maalmihii la soo dhaafayba uu ku sugnaa.

Ujeedada xilka looga qaaday waxay ka dambeysay, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq lagu eedeeyay Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka taabacsan.

Saraakiisha kale ee musuq maasuqan lala xiriiriyay waxaa ka mida Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke. Ma cadda in musuq maasuqaasi lagu helay iyo in kale.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Khamiistii xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), oo lagu eedeeyay wada shaqayn la’aan iyo cabasho ay ka soo gudbiyeen dadka deegaanka.

Warqad uu soo saaray Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, haatana ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka uga wakiilka ah Gobolka Gedo ayaa Axmed Buulle Gareed loogu magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo.