Swan oo eedeyn u jeediyey siyaasiyiinta Soomaaliya, farriinna u diray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khilaafka sii xoogeysanaya ee doorashada Soomaaliya uu halis galinayo horumarkii uu dalka ka sii gaarayay dhinaca xasiloonida.

Waxay sheegtay in amnigu uu sidoo kale ku jiro kaddib markii ay isbuucii lasoo dhaafay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii Mareykanka ee mas’uulka ka ahaa tababarka milatariga Soomaalida.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeyay in ay siyaasado halis ah isticmaalayaan kaddib markii dib loo dhigay doorashooyinkii baarlamaanka oo ay ahayd in ay dhacaan bishii lasoo dhaafay.

Waxaa jirta cabsi la xiriirta in Soomaaliya ay dib ugu noqoto dagaal beeleedyo.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaan jira in la isku soo dhowaado xaqiiqdi waxaa jirta fursad, haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa si cid walba isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo,” ayuu yiri James Swan.

Koox isugu jirta ururro iyo dalal – ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika – ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si qasab ah ugu borrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay galaan wada xaajood. “Isticmaalka nooc walba oo rabshad ah lama aqbalayo,” ayay yiraahdeen.

Soomaaliya waxaa sannadkii hore lagu waday in ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee “hal qof iyo hal cod” – taas oo horumar weyn u ahaan lahayd dal ay ragaadiyeen dagaallo.

Balse xisbiyada mucaaradka ayaa kasoo horjeestay hannaanka iyagoo walaac ka qaba in ay dhacdo ku shubasho.

Heshiis dhexdhexaadin ah oo laga fiirsaday ayaa hadda ku dhow inuu burburo, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayayna dadka qaar ku eedeeyeen inuu doonayo in wuxuu isagu rabo ku qasbo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.

“Musiibo ayay noqon doontaa haddii aan si hagaagsan loola jaanqaadin doorashooyinkan. Qof walba wuu ogyahay in dimuqraaddiyaddeenna ay liicday, waxaana dooneynaa inan hagaajinno,” ayuu yiri la taliyihii hore ee ammaanka qaranka ee Farmaajo, Xuseen Sheekh Cali.