DF oo war rasmi ah kasoo saartay askarta la sheegay in lagu laayey Tigray + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo tababar loo geeyey dalka Eritrea, lagu dilal dagaalka gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga dalka Ethiopia.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray, Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri.

Wasiir Dubbe, oo u muuqday inuu qirayo inay ciidan joogaan Eritrea, taasi oo qudheeda dowladda ay beenin jirtay, ayaa sheegay in dadka wararka noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hadalka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa warar isa soo tarayay iyo walaaca waalidiin badan oo ku saabsanaa in raq iyo ruuxdooda la’yihiin wiilashooda oo bilo ka hor dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo warar soo baxayay ay sheegayaan inay ka qeyb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa dhowaan sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea.

Hoos ka daawo wasiirka