Mas’uuliyiin caan ahaa oo lagu dilay QARAX maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka deegaanka Garasbaaley lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhawaac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda maamulka Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin (Cali Yare) , guddoomiyihii Dhalinyarada deegaankaasi Cabdirashiid Dubad iyo labo ka mid ah ilaalada maamulka.

Dubad ayaa sidoo kale horey u ahaa wariye caan ah oo ka howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo meydka marxuumiinta ka qaaday halkaasi.

Inta badan qaraxyo nooca miinada ah ayaa ka dhaca duleedka caasimada, gaar ahaan wadada xiriirisa labada magaallo ee Muqdisho iyo Afgooye.