Magacyada shakhsiyaadkii ugu miisaanka cuslaa ee ay ciidamada Mareykanka ku dileen gudaha Soomaaliya

Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa bishaan ka baxay gudaha dalka Soomaaliya . Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

1-Aadan Xaashi Ceyrow:

Mareykanka ayaa May 2008-dii duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Aadan Xaashi Faarax (Ceyrow), weerarkaan ayaa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug, dhowr & toban ruux ayaa la sheegay in ay la geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen dad kale, Afhayeen u hadlay Teliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Kabtan James Graybeal ayaa xiligaas xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig Alqaacida oo ku yaalla Soomaaliya, laakiin waxaa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

2-Saalax Cali Nabhaan:

Gaari uu la socday Saalax Cali Nabhaan waxaa gantaal ku dhuftay diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka xili uu mararayay meel u dhaw Degmada Baraawe oo xarun u ah DG Koofur Galbeed, waxaana weerarka ka qaatay dhowr diyaarado oo ah nuuca qumaati u kaca (Helicopters) waxaana la dhintay dhowr ruux oo la socday.

3-Weerar uu ka badbaaday Xasan Turki:

Xasan Cabdullaahi Xirsi (Xasan Turki) waxa uu ka badbaaday weerar lagu qaaday horraantii 2008-dii, Mareykanka ayaa sameeyay isu day uu ku khaarijinayo hoggaamiyaan oo markii dambe la duldhigay madaxiisa adduun lacageed dhan $3 Milyan, maadaama uu ka badbaaday weerarkii lagu dili lahaa.

4-Bashiir Qoorgaab:

Mareykanku waxa uu la xiriirinayay Bashiir weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam, Bishii Maarso 2020-kii duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana madaxiisa la dhul dhigay $5 Milyan oo lagu abaalmarinayo ciddii fududeysa xogtiisa.

5-Axmed Cabdi Qodane (Abuu Zubayr):

Mareykanka ayaa duqeyntii labaad ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu ZubayrSeptember 2014-kii, weerarka ayaa ka dhacay Koofurta Soomaaliya, waana shaqsiga badalay Aadan Ceerow oo sidoo kale lagu dilay Duqeynta Ameerikaanka.

Maxaad ka ogtahay Rag uu raadiyay Mareykanka Balse uusan dilin?

Waxaa jira saraakiil katirsan Al-Shabaab oo Dowladda Mareykanka isku dayday in ay disho balse aysan u suuragelin, waxaana kamid ah: Mahad Maxamed Karatey oo lagu dilay duqeyn lala beegsaday Xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale & Saakow ee Gobolka Jubbada DhexeFebaraayo 2016-kii Kenya ayaa sheegatay dilkiisa, waxaana uu ahaa Madaxii sirdoonka Al-Shabaab.

Isla 2016-kii, Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayaa la sheegay in lagu dilay howlgallo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DFS & kuwa DG Jubbaland, waxaana loo heystay sarkaalkaan weeraro ka dahcay Soomaaliya & Kenya.

Fazul Abdullah Muhammad oo Gacanta Ciidanka Dowladdkii KMG ahayd ku baxay 8-dii June 2011-kii, waxaana uu ku eedeysnaa ku lug lahaanta weeraradii lagu qaaday Safaaradaha Mareykanka ee Kenya & Tanzania 1998-dii.

Waxyeelada Duqeynta Mareykanka ay u geysatay Dadka Shacabka ah.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saaray warbixinno kala duwan oo ay ku shaaciyeen in Mareykanka uu dhimasho & dhaawac u geystay dad rayid ah oo ku sugan Koofurta Soomaaliya, inkasta oo inta badan Mareykanku inkira balse waxa uu qirtay kiisas kooban.

Waxa ay Hay’aduhu soo bandhigeen sawirro, muuqaallo, wareysiyo ay la yeesheen ehelka dhibanayaasha ah, waxaana ay Mareykanka ka dalbadeen in uu magdhaw siiyo kahor inta uusan ka bixin Gudaha Soomaaliya.

ISHA: BBC SOMALI