Al-Shabaab oo markii ugu horeysay maanta lagu arkay deegaano ka tirsan Sanaag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shaab ay gudaha u galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegeen in deegaanadaasi ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka Laas-Qoray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland oo in muddo ah isku haya gacanta ku heynta gobolka Sanaag.

Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Sanaag oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo marar badan ku dagaalamay gobolkaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan qeybo ka mid ah dalka ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo ka fulisay gudaha Soomaaliya.