Al-Shabaab oo Muqdisho ka billaabay beegsi ka dhan ah beesha Saleebaan

Baxdo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday beegsi ka dhan ah beesha Saleebaan ee Habargidir, gaar ahaan waxgaradka deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Baxdo iyo nawaaxigeeda.

Al-Shabaab waxay labadii habeen ee lasoo dhaafay gudaha Muqdisho ku dileen laba Nabadoon oo kala ahaa Sheekh Salaad Ciise Diiriye iyo Sheekh Cabdi Faniinte.

Labadaan wadaad ayaa ka soo jeeda magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud oo dhawaan lagu laayey dagaalyano weeraray oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, taas oo keentay in Muqdisho lagu ugaarsado culumada ka soo jeeda degmadaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Sheekh Shaakir oo qoraallo ka soo saaray dilka Sheekh Salaad Ciise oo habeen ka hor la dilay waxay qireen inuu ahaa Nabadoon waqti badan geliyey dib u heshiisiinta bulshada deegaanada Galmudug, ka hor tagga fikirka Al-Shabaab iyo arrimaha samafalka.

Inta badan waxgaradka beesha ayaa hadda ku baraarugay in beegsigaan uu ku socdo, isla markaana ay Al-Shabaab doonayaan inay ku qasbaan in ugu dambeyn ay is dhibaan oo Baxdo iyo deegaanada ku xeeran ay si fudud gacanta ugu dhigaan.

Hase yeeshee durba waxaa la dareemayaa falcelin togan oo dhalinyarada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha reer Xaaji Saleebaan ay ka muujinayaan beegsigaan uga imaanaya kooxda Al-Shabaab, waxayna wacad ku marayaan in aysan is dhiibi doonin oo kooxda ay iska difaaci doonaan.

Horay Al-Shabaab ayaa ugu guuleystay cadaadis ay saareen beesha Dir ee degta magaalada Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ay waxgaradka beeshaas Muqdisho ku beegsadeen.

Markii looga adkaaday weerarro badan oo Bacaadweyn ay ku qaadeen, waxay Al-Shabaab dhowr nabadoon oo reer Bacaadweyn ah ku dileen gudaha magaalada Muqdisho, taas oo ugu dambeyntii sababtay in bulshada reer Bacaadweyn ay isku dhiibto Al-Shabaab oo hadda u taliya.