DF oo shirkad Mareykan ah u shaqaaleysay inay Biden ka dhaadhiciso in Soomaaliya lagu daro barnaamijka AGOA

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaqaaleysay shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C si ay danaha Soomaaliya uga ololeyso congress-ka Mareykanka, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intellegence.

Warbixin uu wargeyska qoray ayaa lagu sheegay in shirkadda ay si gaar ah uga shaqeyn doonto sidii ay Congress-ka Mareykanka iyo mamaulka madaxweyne Biden uga dhaadhicin laheyd in Soomaaliya qeyb ka noqoto Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ama African Growth and Opportunity Act (AGOA). 

AGOA waa xeer uu Congress-ka Mareykanka ansixiyey bishii May ee sanaddii 2000. Waxa uu ujeedkiisu yahay inuu caawiyo dhaqaalaha dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, islamarkaana horumariyo xiriirka dhaqaale ee Mareykanka iyo gobolka.

Waxa uu dalalka Afrika u ogolaanaya inay si fudud usoo galaan suuqyada Mareykanka, taasi oo Soomaaliya ay dooneyso inay ka faa’iideysato. 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa go’aan ka gaara dalalka ka qeyb-galay barnaamijkan haddii ay kasoo baxaan shuruudaha u saamaxaya inay ka mid noqdaan. 

Waxaa ka mid ah inay ilaaliyaan xeerarka suuqyada dhaqaalaha, ku dhaqanka sharciga iyo siyaasadda wadarta, waana inay maalgeliyaan daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa. 

Ma cadda haddii Soomaaliya ay buuxin karto dhammaan shuruudahaas, hase yeeshee shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C waxay ka caawin kartaa inay xubnaha Congress-ka ka dhaadhiciso inay madaxweyne Biden ku cadaadiyaan inuu aqbalo Soomaaliya.

Shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C ayaa saameyn xooggan ku leh xeerka AGOA, waxayna horey uga shaqeysay in Ethiopia laga hakiyo xubinnimadeeda bishii Janaayo 2022 sababo la xiriira dagaalka ka socda gobolka Tigray tan iyo bishii November 2020.  

Inkasta oo wargeyska uu qoray in shirkaddan uu shaqaaleeyey safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Ali Sharif Ahmed, haddana qoraal ay Von Batten-Montague-York, L.C soo dhigtay twitter-ka waxay ku sheegtay inay shaqaaleysay koox lagu magacaabo United Somali Alliance oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Ma cadda xiriirka ka dhaxeeya kooxdaas iyo dowladda Soomaaliya.