Al-Shabaab oo shaacisay inay dib u qabsatay deegaano ku yaalla gobolka Sh/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay markale dib ula wareegeen deegaanadii ay dhowaan ka qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, isla-markaana lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay haatan ku sugan yihiin deegaanada War-Ciise, Qoordheere, Wararaxley iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saaka si nabdoon kula wareegtay deegaanadaasi oo dhowaan howl-gal milatari ku qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidanka dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Biyo-Cadde oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi.

Sidoo kale labada dhinac ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada deegaanadaas, iyada oo shacabka ku dhaqan halkaasina ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo uu khasaare xoogan kasoo gaaray labada dhinac, kadib markii ay isku fara-saareen gudaha gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, iyaga oo deegaano badan ka heysta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.