Jeff Nyagah oo si qarsoodi ah u booqday saldhigyada ciidanka Kenya ee Jubaland

Kismaayo (Caasimadda Online) – Taliyaha qaybta 2-aad ee AMISOM Jeff Nyagah ayaa kormeer labo cishe ah ku tagay Xeryo Ciidamada Kenya ee ku howlgalka Magaca Midowga Afrika ku tagay saldhigyada kala ah Kubiyoow, Raaskaambooni, Kuday, Cabdalla Biroole, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo oo mas’uul ay ka yihiin sugidda amnigooda.

Taliyaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Ciidamada difaaca Kenya KDF ee ku sugan Dhammaan Xarumaha uu tagay isaga oo ku amaanay qaabka ay uga shaqeynayaan mas’uuliyadda amni ee saaran.

Waxa uu ku bogaadiyay in ay waajibaadkooda kordhiyaan si ay uga soo baxaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Degmooyinka, xarumaha Muhiimka iyo goobaha kale ay ka joogaan Gobolka Jubada Hoose ee DG Jubbaland.

“Waxaan kaaga mahadcelineynaa adeegga aad u haysaan buslahda, Dadaalkiinu waxay gacan weyn ka geysteen kor u qaadida howlaha dhaqaale, kuwaas oo muhiim u ah helitaanka nabadda. Waxaan wali ku adkeysaneynaa waajibaadka AMISOM iyo geedi socodka nabada ee ka jira, ”ayuu yiri Brigadier Nyagah mar uu la hadlayey askarta.

Brigadier Nyagah ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo si ay uga hortagaan ugana adkaadaan khataraha ku soo food leh amniga.

Taliyaha wuxuu ku dhiiri geliyey Ciidamada inay sii wadaan xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga ee Soomaaliyeed sida ku cad qorshaha kala guurka Soomaaliya.

War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu xaqiijiyay in taliyaha uu dhameystay kormeerkiisa labada cishe ah isaga oo ku qiimeeyay Askarta difaaca Kenya ee ku howlgasha Magaca AMISOM.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu la kulmay sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Badda Mareykanka oo saldhig ku leh Garoonka Diyaaradaha Kismaayo inkasta oo aan la baahinta xogta wadahadalkooda sida ku xusan warka kasoo baxay AMISOM.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya kuna howlgalla Magaca AMIOSM, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.