Al-Shabaab oo sheegtay in howlgal nooc cusub ah ay ka billaabi doonto Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ku dhawaaqay howl-gal uu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ka billaabi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Abuu Muscab ayaa waxa uu sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

“Ciidankeena Muqdisho ka howl-gala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay waan kaa war haynaa oo waan kugu soo soconnaa, waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbad-keentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin,” ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta kooxda.

Abuu Muscab ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale u digtay goobaha habeenkii lagu caweeyo, oo ay sheegeen in xumaan lagu faafiyo, sida ay baahisay warbaahinta kooxda.

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab ayaa imanaya xilli kooxda looga adkaaday dagaalka ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka, wallow ay weli weeraro iyo dilal qorsheysan ay kooxdu ka geysato magaalada Muqdisho.

Kooxdan ayaa iyadu inta badan sheegata inay ka shaqeyso masaalixda bulshada, hase yeeshe xaqiiqadu waa ka duwan tahay taasi, waxayna dhawaan Culimada Soomaaliyeed ay sheegeen inay yihiin Khawaarij.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.