Maamulka garoonka Aadan Cadde oo war soo saaray kadib fadeexaddii musuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in hakad uu ku yimid shaqadii garoonka, xilli uu sii xoogeystay musuq-maasuq baahsan oo halkaasi ka taagan.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxa lagu sheegay in wararka la xiriira in hakad uu ku yimid shaqadii ka socotay garoonka ay yihiin “dacaayado lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta”, sida lagu yiri qoraalka.

“Maamulka waxa uu caddeynayaa in wararkaas aysan ahayn kuwo xaqiiq ah oo ay shaqada Garoonku sideedi u socoto. waxa bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in aysan ku kadsoomin wararka dacaayadda ah ee loogu tala-galay in bulshada lagu marin-habaabiyo laguna dhaawaco magaca garoonka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka garoonka.

Qoraalka kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradah Aadan Cadde ayaa u muuqda mid lagu daboolayo fadeexada ka taagan garoonka, taasi oo horseeday in shalay uu hakad ku yimaado shaqadii garoonka saacado kooban, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta ay tahay shidaal la’aan soo wajahday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taasI oo saameyn ku yeelatay shaqadii guud ee garoonka.

Arrintan ayaa timid, kadib markii wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowsa Cusmaan Cigaal ay soo saartay waraaq ay shaqada uga joojisay shirkadii shidaalka geyn jirtay garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ay keentay in shidaal la’aan ay dhacdo.

Fardowsa ayaa lagu warramay inay dooneyso in shirkad ayada ku xiran ay siiso qanadaraaska shidaalka, si ay uga faa’iideysato dakhliga kasoo xaroonaya iibka shidaalka oo boqolaal kun oo dollar ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay shaqadooda hakadka gashay saacadaha kooban ay ka mid yihiin kuwa caalami iyo kuwa gudaha ah oo ku xayiran gudaha garoonka, kadib markii ay saameysay shidaal la’aanta garoonka ka taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale sawir xun ka bixineysa garoonka Muqdisho oo ay maalin welba kusoo dagaan diyaarado kala duwan oo isaga kala goosha Soomaaliya iyo Caalamka.

Waxaa sidoo kale arrintaan ay kusoo aadaysaa, ayada oo uu shalay is-casilay wasiiru dowladihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo shaaciyay in musuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed uu ka jiro wasaaraddaasi.

Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo tilmaamay in ay xadgudub ku heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla-markaana Wasaaradda ay ka dhigtay meel lagu dhibo dad shacabka ah.

“In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug.