Xiisadda siyaasadeed ee Puntland oo gaartay meel sare iyo Golaha Ammaanka oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntlanda ayaa loo gudbiyay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan doorashooyinka maamulkaasi.

Ku-xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya ayaa warbixin la xiriirta xiisadda siyaasadeed ee Puntland oo salka ku haysa arrimaha doorashada doorashooyinka u gudbisay Golaha Amaanka QM.

Marwo Kiki Gbeho ayaa warbixintan ku sheegtay in khilaafka siyaasadeed uu hareeray diiwaan-gelinta maamulka Puntland, ayada oo xustay in mucaaridka ay ka biyo diideen nidaamka uu wax u wado maamulka Saciid Deni.

Waxay qirtay in khilaafka siyaasadeed uu xataa saameeyay laamaha amaanka Puntland, islamarkaana ay ku kala qeybsameen barnaamijka doorashada qof iyo cod, gaar ahaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha.

“Puntland waxaa ka socday diyaar garow doorashada golayaasha deegaanka, inkasta oo dib u dhac ku yimid iiwaan-gelinta cod-bixiyaasha. Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ee wejigeeda hore loo qorsheeyay in ay ku dhacdo bisha December 5-teedii ayaa la bilaabay 5-tii Janaayo si guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ay u xaliyaan tabashada ururka siyaasadd ee ku aadan hanaanka ay u socota,” ayay tiri.

“Gobolka Nugaal waxaa (diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha) kasoo horjeestay odayaasha dhaqanka iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska, kuwaasi oo ku dooday in hanaanka doorashada uusan ku dhisneyn is-afgarad.”

Ku-xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay warbixinteeda ku sheegtay in natiijo la’aan kusoo dhamaadeen wada-hadalo dhexmaray xubno ka socda dowladda Puntland iyo mucaaridka kadib markii lagu kala kacay.

“Ciidamo hubeysan oo la safan mucaaridka ayaa u guuray Garoowe, waxayna rasaas is-weydaarsadeen ciidamo daacad u ah dowladda Puntland 6-dii bishaan. Iska hor-imaadkaas ayaa dhamaaday kadib markii odayaashu ay ku qanciyeen ciidamada hubeysan ee taageersan mucaaridka inay ka baxaan magaalada.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, taasi oo salka ku haysa khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan hanaanka ay kooxda Saciid Deni u wado diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.