Doorasho maanta ka socota dalka Jabuuti xilli la hadal-hayo cidda beddeleysa Geelle

Jabuuti (Caasimada Online) – Cod-bixiyayaasha Jabuuti ayaa maanta dooranaya baarlaman cusub ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ugu weyn.

Xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee talada haya ee Union for Presidential Majority (UMP), ayaa ah mid ka mid ah kaliya laba xisbi oo ka qeyb-galaya doorashada, islamarkaana ay huban tahay inuu ku guuleysan doono.

Qiyaastii 230,000, oo ah dad sharci u leh inay codeeyaan, ayaa dooranaya 65 xildhibaan oo baarlamanka fadhin doona muddo shan sano ah, ayada oo sharciga uu dhigayo in 25 boqolkiiba kuraasta ay helaan haweenka.

Isu soo-baxa ayaa u muuqday mid aad u hooseeya, sida ay werisay warbaahinta gudaha.

“Weligey ma codeyn, maantana ma codeyn doono. Ma xiiseynayo doorashada. Qoyskeyga oo idil ma codeyn doonaan sidoo kale,” waxaa sidaas yiri Moktar Abdi oo ah Injineer 30 jir ah.

Souad Elmi Siyad oo ah 64 jir howlgab ah ayaa tiri “doorasho kasta waxaan u codeeyaa isla dowladdii.”

Inkasta oo Jabuuti ay tahay dal aad u yar, haddana waxay ku taalla goob muhiim oo ah marinka Badda Cad, taasi oo ay u adeegsato inay kusoo jiidato maal-gashtayaasha iyo quwadaha militari ee shisheeye.

Codbixinta ayaa daba socota doorasho madaxweyne oo dhacday April 2021, taasi oo madaxweyne Geelle uu helay 97 boqolkiiba codadka, si uu markii 5-aad madaxweye u noqdo.

Labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee MRD iyo ARD ayaa qaadacay doorashada maanta.

“Doorashada dalkeena weli ma ahan mid xor ah. Ma jirto daah-furnaan iyo dimoqraadiyad,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri bishii Janaayo xisbiga MRD.

Doorashadii ugu dambeysay ee sharci-dejinta ee 2018, xisbiga UMP – oo ka dhashay xisbi Jabuuti xukumayey tan iyo xoriyaddii ay ka heshay Faransiiska 1977-kii – ayaa ku guuleystay 58 kursi.

Xisbiga UDJ, oo kuraas faro ku tiris ah ku guuleystay doorashadii 2018, ayaa ah midka kale ee ka qeyb-qaadanaya doorashada maanta.

“Wax kasta waa la sameeyey si loo xaqiijiyo in doorashada ay ku dhacdo jawi wanaagsan,,” waxaa sidaas maanta yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Said Nouh Hassan.

Doorashada ayaa dhaceysa ayada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan qofka ay suurtagal-ka tahay inuu beddelo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika, kaasi oo dalka xukumayey tan iyo 1999-kii.

Benedikt Kamski, oo ah cilmi-baare ku takhasusay Geeska Afrika, oo ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xiisaha shacabka ee doorashada ay aad u yareyd.

Waxaa sidoo kale jirta hadal hayn ku saabsan cidda noqon doonta madaxweynaha xiga ee Jabuuti, oo ka iman kara labada qabiil ee Ciise iyo Cafar midkood, kuwaas oo ah labada qowmiyad ee ugu dadka badan.

“Dadka waxay is-weydiinayaan cidda beddelysa madaxweyne Ismaaciil Cumar,” ayuu yiri Kamski, oo soo jeediyey inay suurta-gal tahay in la doorto kahor 2026.

Geelle, oo ah kaliya madaxweynihii labaad ee Jabuuti ee tan iyo xoriyaddii, ayaan mar kale tartami karin, sababtoo ah waxaa xaddidaya dastuurki 2010, oo dhigaya inaanu madaxweyne u tartami karin qof ka weyn da’da 75 jirka.

VOA, AFP