Mareykanka oo soo saaray sharci ay tahay inay ogaadaan Soomaalida usoo tahriibeysa

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa soo jeediyey xeerar cusub oo ka dhan ah dadka magan-galyo doonka ah, kuwaasi oo uu sheegay inay yareyn doonaan dadka imanaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

Xeerarka cusub ayaa sheegaya in muhaajiriinta imanaya xuduudda ee kadib soo galaya Mareykanka ayaga oo is-dhiibaya aysan xaq u yeelan doonin in magan-galyo la siiyo.

Kumanaan qof, oo ay ku jiraan Soomaali, balse badankood ah dad ka iamanaya dalalka Latin America ayaa marka ay Mareykanka kasoo galaan xuduudda Mexico is-dhiiba ayaga oo magan-galyo dalbanaya. 

Hase yeeshee sharciga cusub ayaa dhigaya in qofka kahor inta aanu iman xuduudda uu marka hore codsi kasoo gudbisto app-ka Waaxda Kastamka iyo Ilaalada Xuduudda ee Customs and Border Patrol (CBP), ama uu kasoo codsado mid ka mid ah dalalka ay soo marayaan kahor inta aanay xuduudda iman.

Haddii qofka aanu sidaas soo sameyn, uu iska yimaado xuduudda kadibna dalbado magan-galyo lama siin doono, sida sharciga uu sheegayo.

Toddobaadyadii dhowaa waxaa jiray Soomaali badan oo soo hela Visa-ha Mexico ama dalalka kale ee Latin America, kadibna xuduudda iska soo dhiiba, balse sharcigan wuxuu hadda ku qasbayaa inay marka codsi ka sameeyaan online.

Si kastaba, arrinta dhibka leh ayaa ah in haddii qofki codsi uu sameeyo, uu sugo illaa ballan-looga qabanayo, taasi oo qaadan karta sanado badan, marka la eego sida ay u badan yihiin dadka doonaya inay soo galaan Mareykanka, oo sanadkii dhan 200,000 oo qof.

Tallaabadan ayaa waxaa cambaareeyey hay’adaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta oo sheegay inay la mid tahay kuwii madaxweyne Donald Trump ee aadka u adkaa, oo wax aan macquul aheyn ka dhigay in magan-galyo laga codsado Mareykanka.

“Mamnuucistan magan-galyo doon waxay albaabka ka xiri doontaa qaxooti aan xisaab laheyn oo badbaado iyo amni ka raadinaya Mareykanka,” waxaa sidaas tiri Abby Maxman oo ah madaxweynaha hay’adda Oxford America. 

“Siyaasaddan waa sharci-darro aan laheyn dareen oo khasaare cabsi badan gelin doonta caruur, haween iyo rag raadinaya badbaado,” ayey tiri.

Si kastaba mamulka Biden ayaa ku dooday inuu ku qasban yahay xeerkan si loo yareeyo qaska ka jira xuduudda, kadib markii Congress-ka uu ku guuldarreystay inuu go’aan ka gaaro arrinta muhaajiriinta.

“Waxaan xoojinaynaa helitaanka hab sharci iyo nidaam ah oo ay muhaajiriinta ku iman karaan Mareykanka, annagoo islamarkaana soo jeedinayna cawaaqib cusub oo ay marayaan kuwa ku guuldarreysta inay adeegsadaan hanaanka la heli karo,” waxaa sidaas yiri Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Alejandro Mayorkas.

Saraakiisha ayaa sheegay in xeerarka cusub ay yihiin kuwa ku-meel gaar ah oo dhici doona 24 bil kadib, balse ma sheegin waxa lagu beddeli doono.