Musharaxiinta HOP#086 oo war culus soo saaray kadib tallaabadi guddga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta u taagan kursiga HOP#086 ayaa si adag uga hadlay go’aankii habeen hore kasoo baxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad, kaasi oo uu guddiga si KMG ah doorashada kursigan ugu soo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Musharaxiintan oo shan ah ayaa waxay ku tilmaameen waraaqda kasoo baxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka mid sharci darro ah, oo laga leeyahay dano gaar ah, islamarkaana ayna jirin duruufo qasbaya xilligaan in kursiga HOP#086 looga soo wareejiyo deegaan doorashadiisa oo aheyd magaalada Beledweyne.

Musharaxiintan oo kala ah Cabdinuur Maxamed Axmed, Dr. Cabdicasiis Maxamed Mataan, Khaalid Muxumed Gaabane, Dr. Cumar Faaruuq Sheikh Cabdiciis iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Macalin ayaa waxay dalbadeen in doorashada kursigan dib loo waafajiyo habraaca ku cad ah qaraarkii barlamaaniga ahaa, si lamid ah kuraasta ay baneeyeen ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

“Anaga oo joogna guriga madaxweynaha HirShabelle ayay warqadan soo dhacday, madaxweynaha markii aan wax ka weydiinay wuxuu noo sheegay in uusan wax ka ogeyn lagana tashan. Waxaa weydiinay inay jiraan duruufo kursigan looga soo wareejiyay HirShabelle, wuxuu noo sheegay in duruuf jirin oo HirShabelle lamid tahay maamulada kale,” ayuu yiri Cabdinur Maxamed Axmed oo kamid ah musharaxiinta u taagan kursiga HOP#086.

Sidoo kale waxay sheegeen inay rabaan in tartanka laga dhigo mid furan oo doorashada ay ka qeyb-galaan, balse aysan ogolaaneyn in kursiga laga dhigo mid wareegto la iskaga magacowdo ciddii la rabo, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa diyaar u nahay in aan galno tartan furan. Dowladda maadama ay iyada dhaqaalihii iyo amnigii haysatay oo wax walba haysato, anagii oo intaas haysan ayaa diyaar u nahay in aan la tartano cid kasta oo ay riixayso laakiin garoon loo siman yahay oo daah-furan ayaa diyaar u nahay,” ayuu yiri Musharax Cabdinuur Maxamed Axmed.

Cabdinuur ayaa sidoo kale qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay ku sheegay in qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee beesha iska leh kursigaan guryahooda loogu tagay, laguna handaday inay la kulmayaan cawaaqib xumo haddii aysan kursigan ka aamusin.

“5 musharax oo aan ku jiro ayaa loo diiday inay galaan gudaha Xarunta Guddiga ee Hotel Shabeel xilli ay shaqo ka socoto oo lagu diiwaangalinayo odayaal. Haddii Musharax Cabdinuur laga urinayo maamulkii hore, maxaa musharixiinta kale fursad loo siin waayay?.”

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ayaa habeen hore shaaciyay in kursigan oo markii hore deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Beledweyne si KMG ah loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyay jadwalka doorashada ee kursigan, xilli uu muran badan uu ka taagan yahay kursigaan, oo lasoo warinayo in Villa Somalia ay shaqsi gaar ah u xireyso.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kursigan ugu dambeyn la qaban doono 25-ka bishaan Febraayo ee sanadka 2023-ka

“Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannan Baarlamaanka 11aad, asagoo gudanaaya waajibaadka qaran ee loo igmaday wuxuu shaacinayaa jadwalka doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH#086, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne, laakin si KMG loogu soo wareejiyay caasimada qaranka ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka qoeraalka ah ee ka soo baxay duddiga KMG ah ee doorashadan.

Tallaabada uu guddiga uu qaaday ayaa kusoo aadeysa, ayada oo Beesha Reer Aw-Xasan oo iska leh kursiga HOP0#86 ay bayaan culus ka soo saartay doorashadiisa.

Odayaasha dhaqanka ee beesha ku eedeeyay guddiga KMG ah ee doorashooyinika kuraasta bannaan, wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo ra’iisul wasaare Xamza in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan duud-siinta xuquuqda odayaasha beesha ee kursigan iyo warejintiisa.

“Waxaan caddeynaynaa in Deegaan doorashada Kursiga HOP086 ay tahay Degmada Beledweyne, mana jiro go’aan lagu soo wareejinayo ama heshiis odayaasha dhaqanku ay ka gaareen arrintaas,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga dhaqanka ee reer Aw-Xasan.waayay?.”