Mareykanka oo Somaliland ku billaabay cadaadis la xiriira dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa kordhiyay cadaadiska uu Somaliland ku saarayo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay Somaliland ku cadaadineysa in ay ka dhabeyso xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxweyne Muuse Biixi.

Danjire Tim Trenkle iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada-hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, taasi oo gashay toddobaadkii saddexaad.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Danjiraha warbixin ka siiyey xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, ayaga oo labada dhinac isla qaatay in gargaarka bini’aadannimo aan la carqaladeyn.

“Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka wada-hadalnay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh iyo qalalaasaha Laascaanood, Mareykanku wuxuu beesha caalamka kala mid yahay in la sameeyo xabad joojin bilaa shuruuda, iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Somaliland oo iyaduna qoraal kasoo saartay kulanka Muuse Biixi iyo Amb. Tim Trenkle ayaa waxa lagu sheegay in kulankaasi uu ku dhammaaday is afgarad buuxa.

Kulankan ayaa waxaa madaxweyne Biixi ku wehlinaayey wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taagan.