30 Shabaab ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Mudug

Xarardheere (Caasimada Online) – Ku dhawaad 30 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal shalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug.

Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howl-galkan ka fuliyay deegaanka Faarax Aadan, kaasi oo markii dambe kusii fiday deegaanka Wadaariq oo ay argagaxisadu ku laheyd saldhig weyn, sida lagu yiri qoraalka Galmudug.

Dagaal culus oo saacado badan socday kadib ayaa la sheegay in ciidamada ay halkaasi ku jabiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ka saaray godadkii ay ku dhuumaleysanayeen.

“Khawaarijta Joogta Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug ayaa ku jira maalmahoodii ugu adkaa, kuwaas oo wajahaya cuna-qabateyn iyo dagaallo toos ah, waxaana hubkoodii ka furanaya shacabkii ay muddada fog dhibaatada ku hayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celisay saaxiibada caalamiga ah oo iyagu gacan weyn ka geystay jabinta kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa laga dilay 48 saac gudahood in ka badan 50 xubnood, ayada dowladda ay Arbacadii shaacisay in howl-gal ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaasi ayaa waxa fuliyay ciidan ka tirsan kuwa hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera howl-galada.

Maleeshiyaadkaasi ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howl-galkii 21-kii bishaan ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoostagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay ka dishay 80 dagaalame, islamarkaana dhaawacyo badan looga qabtay kooxda, kadib dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ka billowday dalka, waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xooggan, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.