Al-Shabaab oo sii daayey dhaqaatiirtii dalka Cuba u dhashay ee ay haysteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sii daysay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, oo muddo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya, waxaa goor dhow sidaas shaaciyey saraakiiil sare.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dhaqaatiirta lasii daayey dhammaadkii toddobaadkii tegay, kadib wada-xaajoodyo muddo socday.

Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AP in sirdoonka Soomaaliya oo matalaya dowladda Cuba ay galeen wada-xaajoodka lagu sii daynayo dhaqaatiirta kadib markii la tusay muuqaal caddeynaya in dhaqaatiirta ay nool yihiin.

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriquez, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa xaqiijiyey in lasoo daayey dhaqaatiirta, wuxuuna dowladda Soomaaliya uga mahad-celiyey inay caawimaad ka gaysatay. Waxa uu sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Weli ma cadda halka ay iminka ku sugan yihiin dhaqaatiirta.

Al-Shabaab ayaa dhaqaatiirtan kasoo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii April ee 2019, ayaga oo dilay mid ka mid ah raggii ilaalinayey, kadibna la galay Soomaaliya.