Koox hubeysan oo weerar dhimasho leh xalay ka fulisay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay rasaas aan loo meel dayin oo xalay lagu furay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gaarigaasi lagu rasaaseeyey wadada u dhexeysa Ex-Control Afgooye iyo xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley.

Koox hubeysan oo wadatay dareeska ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen falkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa rasaasta ay fureen dableydaasi ku dhintay illaa saddex qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada fulisay weerarkaasi ay dooneysay inay dhac baahsan u geysato gaarigaas iyo dadka la socday.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse waxaa socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya oo baadi goobiyey raggii ka dambeeyey dhadadaasi.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku soo badanayey falalka liddiga ku ah amniga iyo kooxaha dhaca u geystay dadka rayidka ah.