Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay  ku baxeen  tuulooyin ku yaala baadiyaha degmada Raaga-ceelle oo laga soo sheegay  dhaq-dhaqaaq ay wadaan dagaalameyaasha Al-shabaab.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan  dagaalamayaashii Al-shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku tagay tuulooyinkaas waxaana hada dagan xaalada degmada Raaga-celle.

Guddoomiyaha degmada Raaga-ceelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo Al-shabaab amnigana wanaagsanyahay.

Dhinaca kale, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wali ku sugan tuulooyin ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jowhar ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay ku suganyihiin tuulooyinka kala ah Warciise, Doondheere iyo Shamiindo.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka HirShabeelle, waxaana muuqato in kooxda Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ay ka wado deegaano ka tirsan Gobolkaas.