Al-Shabaab oo war yaab leh kasoo saaray shacabkii ay ku laayeen gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dadkii shacabka ahaa ee maanta ay ku laysay gobolka Hiiraan, ayada oo si kale u dhigtay xaqiiqda waxa ay ahaayeen shacabkaas.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta taageerta kooxdaas ayaa lagu sheegay in dadkaas oo lagu laayey tuulada Afar Irdood ee duleedka magaalada Beledweyne “ay ahaayeen maleeshiyada Macawiisleyda.”

Waxey intaa ku dareen Al-Shabaab, inay sidoo kale gawaarida ka baxday magaalada Baladweyne ee ay gubeen “ay sahay iyo saanad ciidan u wadeen” maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Inta la xaqiijiyay 20 ka mid ah maleeshiyadii Macawiislayda iyo xubnihii gurmadka u waday ayaa goobta lagu dilay, waxaa sidoo kale la gubay 8 kamid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Hase yeeshee, dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo madax-banaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dadka la laayey ay ahaayeen dad shacab ah.

Al-Shabaab ayaa saaka aroortii weerar dhabagal ah ka fulisay deegaanka Afar Irdood oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne, waxayna gubeen ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, ayaga oo sidoo kale rasaas ku furay dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyne.

“Tirada guud inta la dilay waxay mareysaa 17 qof oo rag, dumar iyo carruur isugu jiray todobo baabuurna meeshaas waa lagu gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen kooxda Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah. 

Toddobaadkii hore, ayey weerareen Al-Shabaab tuulooyin ka tirsan Galgaduud iyo Mudug, iyagoo burburiyey xarumo isgaarsiineed iyo ceelasha biyaha.