Bulshaawi oo xaaladiisa ka hadlay kadib weerarkii xalay iyo sida ay wax u gaareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, aadna loogu yaqaan magaca Madaxweynaha Tiktok-ga, ayaa ka hadlay xaaladdiisa caafimaad kadib markii xalay weerar lagu qaaday isaga oo ku sugan maqaayad.

Koox hubeysan ayaa Bilaal ku weeraray maqaayad ku taalla agagaarka Banaadir, ayada oo, sida ehelkiisa lagu riday laba xabad, balse aan gaarsiin dhaawac weyn

Bilaal ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay xaaladdiisa wanaagsan tahay. “Alxamdulilah walaaleheey waa nabad qabaa wax weyna ima gaarin alxamdulillah calaa kuli xaal,” ayuu Bilaal ku yiri qoraalka oo uu isla xalay soo saaray. 

Bilaal ma faah-faahin halka ay xabadaha uga dhaceen iyo sida ay wax u gaareen, balse xaqiiqda ah in isla xalay uu awooday inuu qoraal soo dhigo Facebook ayaa muujineysa in dhaawaciisa uusan darneyn. 

Sida ay dad goob joogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, kooxda weerarka kusoo qaaday ayaa ka beegsatay madaxa balse xabadda ayaa ka sartay gees yar oo kamid ah madaxiisa taasoo dhaawiciisa ka dhigtay mid fudud.

Falkaan ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo inta badan Bilaal lagu arki jiray. Lama oga sababta loo beegsaday.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka jirta tuugo xiliyada habeenkii ah dadka ka dhacda taleefoonada iyo agabyada kale oo ay wataan, kuwaas oo mararka qaar dila qofka ay dhacayaan.

Hase yeeshee lama oga in weerarka lagu dhaawacay wiilkaan caanka ka ah baraha bulshada uu la xariiro dhac ama beegsi toos ah, toona.