Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidanka Macawiilseyda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay dhanka koonfureed magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Beerxaano oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Intaas kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerka qaaday iyo ciidamada deegaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Saraakiil u hadashay Macawiisleuda ayaa waxa ay shaaciyeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, haatana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ka cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku soo qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada uu haatan ka socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.