Gaarisa (Caasimada Online) – Wararka helayo gobolka Waqooyi Bari ee kenya ayaa sheegaya in mar kale Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ka fuliyeen gobolkaasi.
Weerarkan oo ku billowday qarax xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo ragga weerarka oo ku dagaalamay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Calin Jugur iyo Weel maree oo hoostaga degmadaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in weerar jidgal ah lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya, kadib la’isku fara saaray halkaasi.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Waqooyi Bari.
Dhanka kale qoraal kooban oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarka, waxayna kooxdu sheegtay inay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidanka Kenya, kuwaas oo kala ah Cabdi Bille iyo Booyad ay biyo ku wateen ciidanka la qarxiyay.
Saraakiisha ammaanka Kenya weli kama hadlin dagaalka ka dhacay gudaha dalkaasi, gaar ahaan agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari oo xuduud laleh Soomaaliya.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda.
Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.
Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla-markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.