Al-Shabaab oo askar badan ku dishay weerar ka dhacay galbeedka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xoogaga Al-Shabaab kusoo qaadeen qaybo kamid ah galbeedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ay ciidamada Xasilinta ee Boolis Milataaro ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha duulaanka soo qaaday.

Dhanka kale ilo wareedyo madax bannaan ayaa sheegay in dagaalkan lagu dilay 9 askari oo uu ku jiro taliyihii haystay saldhigga, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Carab

Qarax xoogan ayaa sidoo kale saaka ka dhacay isla degmada Kaxda, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lasoo wariyay inuu ka dhacay Koontorol ku yaalla halkaasi, isla markaana ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u laabtay xubnihii Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee Muqdisho, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.