Beledweyne (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo dooneyso inay iska yareyso cadaadiska uga imaanaya shacabka Hiiraan ayaa haatan bilaabay xeelad cusub oo ay ku wajahayaan dagaalka adag ee uga furan gobolkaasi oo hadda dib boorka looga jafay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna maanta isku fidiyeen deegaanno u dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Maleeshiyada Al-Shabaab oo durbo dareemay culeyska xooggan ayaa hadda la yimid qorshe yaableh, iyaga oo isku soo ekeysiiyay ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala gobolkaasi.
Mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo xirteen Macawiiseyo, si ay isugu ekeysiiyaan ciidamada deegaanka oo haatan door lixaad leh ka qaadanayaa howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.
Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in jab culus ay Argagixisada ku gaarsiiyeen howlgalladii ugu dambeeyay oo ka dhacay aagga deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi.
Ugu yaraan illaa 15 xubnood ayaa laga dilay maleeshiyada kooxda, waxaana sidoo kale laga soo furtay hub iyo saanad, sida uu sheegay sarkaalka bixiyay xogtaan muhiimka ah.
“Khawarijta Shabaab cashar aysan ilabi doonin ayaan ugu dhignay Beera yabaal iyo tuuloyin kale oo badan halkaas oo aan si awood ah uga saarnay, Khawarijta waxay danta ku qasabtay iney isku soo keen akeysiiyaan oo Macwiisyo ay soo xirtaan ayna dhahaan waxanu nahay Macawiisley, meydadkooda waa daadsan yahay 15 ka badan waan arkay hub badana waan ka furanay” ayuu yiri sarkaal sare oo lagu magacaabo Axmed Cali.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaano badan oo dhaca gobolka Hiiraan ee bartahama Soomaaliya.
Gulufka dib uga bilowday gobolka waxaa hoggaaminayo Cali Jayte oo dhowaan ku goodiyay inay xittaa duqeynayaan shacabka ku sugan deegaanada ku sugan dhulka Al-Shabaab.