Al-Shabab oo soo bandhigtay sarkaal sare oo ‘isku dhiibay’

Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gobolka Bakool waxa ay kusoo bandhigtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Gallbeed oo ay sheegtay inuu isku dhiibay, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee dhanka Internet-ka.

Al-Shababa oo baahisay Sawirka sarkaalkaasi ayaa sidoo kale magaciisa ku sheegtay Col. Mustaf Xasan Axmed kaasoo gaaray deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa bayaankan ku sheegtay in Col. Mustaf uu ka carooday dhibaatada ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Koonfur Galbeed, sida ay hadalka u dhigtay.

Sarkaalkan ayaa ka goostay ciidanka Daraawiishta ee ku sugan degmada Xudur, wuxuuna kusoo tababarat degmada Bardaale, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab.

Col. Mustaf Xasan Axmed ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya uu ka bar-bar dagaallami doono Al-shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan sarkaalkaasi lagu soo bandhigay gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa si aad ah weli ugu xoogan deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana weerar culus ay ka fulisaa gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.