Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya dowladda KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab usoo direyso Kenya, si ay ciidamada dalkaasi uga taageeraan howl-gallada dhanka milatari.

Joe Biden ayaa go’aankani ku dhawaaqay, kadib markii uu wada-hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Kenya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimaha siyaasadda, amniga, xoojinta xiriirka labada dal iyo la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ciidamada uu Mareykanka usoo dirayo Kenya, goorta ay imaanayaan iyo sidoo kae halka ay saldhiganayaan intaba.

Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa sidoo kale ku warrantay in ciidamadan lagu xoojinayo askar kale oo Mareykan ah oo ku sugan gudaha Kenya, si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada lasoo dirayo oo ah kuwa gaar ah ayaa waxaa la filayaa inay ka hortegaan weerarada ay fuliso kooxda Al-Shabaab oo maalmihii dambe sare u kacay.

Mareykanka iyo Kenya ayaa labaduba waxa ay ka mid yihiin wadamada ka qeyb-qaata dagaallada iyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan Soomaaliya ayaa weeraro khasaare geysta sanadihii dameb ka fulisay gudaha Kenya oo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya.