Dowladda Soomaaliya oo codsi xasaasi ah u dirtay dhiggeeda Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya ugu yeertay inay caadi ku soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal, kaas aad u xumaaday waayihii dambe.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay caadi ka dhigto xiriirka kala dhaxeeya Kenya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u soo bandhigeysaa bogaadinteeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya, waxaana sharaf u ah in aan mar kale ku celino in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ugu baaqday inay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ayaa qoraalkaan ku sheegtay in dib u soo noqoshada xiriir buuxa oo Kenya iyo Soomaaliya dhex-mara ay bilaaw wanaagsan u noqon doonto wadahadallada labada dal u dhexeeya.

“Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga faa’iideysanaysaa fursaddan inay dib ugu cusbooneysiiso wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya hubinta tixgelinta ugu sareysa.”

Dowladda Kenya ayaa Khamiistii qaaday tallaabo lama filaan ah oo ay dib ugu furtay duulimaadyadii Soomaaliya, bil un kadib markii ay sheegtay inay hakisay illaa muddo saddex bilood ah.

Kenya ayaa go’aanka ay qaadatay ku macneysay “niyad wanaag muujin” ayada oo rajeyneysa inuu hoggaamin karo in xiriirka labada dal uu si buuxda caadi ugu soo noqdo.